Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab oo shalay Al-shabaab kasaaray degaanka janaay cabdale oo qiyaastii magaalada kismaayo 60 km ujirta ayaa waxeey wada howlgalo ay kubaacsanayaan al-shabaab islamarkaasna ay kuxaqiijinyaan amaanka degaankaasi.
ciidanka kumaandoos ayaa kawarhelay gaari su,suuki ah midabkiisuna yahay madoow oo al-shabaab kasoo buuxiyeen qarax islamarkaasna doonayeen ineey kuwaxyeeleeyaan shacabka kudhaqan magaalada kismaayo ciidanka ayaa halkii uun yaalay oo ay degaanka janaay cabdale kubur-buriyey.
Sidookale gaari homay oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay kuqabteen duleedka degaanka janaay cabdale islabartiisa ayay kubur-buriyeen.
Sidoo kale ciidanka Dowladda ayaa maanta degaanka janaay cabdale kasoo saaray 18 miino oo al-shabaab ay kusoo aaseen wadooyinka wuxuuna intaasi kudaray in Shabaab markii ay degaanka ka cararayeen ay qarxiyeen ceelbiyoodkii dadka degaanka ay isticmaalayeen.

