Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xirey inta badan wadooyinka Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadooyinka xiran waxaa kamid ah wadada Maka al-mukaramah,Wadada Soddonka, iyo kuwa kale oo shacabka isticmaalayeen,waxaana wadooyinkaas ku sugan ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.
Sababaha wadooyinka loo xirey aya lagu sheegay Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland oo kusoo wajahan Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

