Mareykanka oo Lacago Ku Bixinaya Soo Celinta Nabadda iyo Xasiloonida Somalia

0

Dowladda mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacago balaayiin dollar ah ay kubixiyaan sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo xasiloonida Somalia hasa ahaatee ilaa iyo haatan aan weli laga gaarin halkii loo baahnaa islamarkaana an weli laxaqiijin ujeedooyinkii laga lahaa maalgelinta amaanka Somalia.

ku simaha safiirka mareykanka ee qaramada midoobay Cherith Chalet ayaa kahor sheegtay golaha amaanka ee qaramada midoobay in dowladda mareykanka Somalia ay kubixiyeen arrimaha amaanka Somalia  lacag gaareysa 5.3 billion oo doollarka mareykanka ah 20kii sano ee lasoo dhaafay hasa ahaatee aan weli xal loo helin arrimaha amaanka Somalia islamarkaana aan weli lahelin amaan laisku haleeynkaro iyadoona intaas kudartay Alshabaab ay lacago farabadan kaqaadaan ganacsatada somalida taasi oo ay sheegtay in suurta geliso weerarada ay kafuliyaan gudaha Somalia.

Dowladda mareykanka ayaa dowladda federaalka Somalia kataageerta dhinacyada amaanka iyo dhaqaalaha waxaana xusid mudan in taliska mareykanka ee qaaradda Africa ay duqeymo kafuliyaan  qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Somalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here