Al-shabaab ayaa ku hanjabay in ay qarxin doonaan Suuq dhawaan la hirgaliyay Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud,kadib markii ay Canshuur bixin weysay Hay’adii dhistay Suuqaas.
Al-shaabab ayaa kusoo wargalisay Ganacsatada Suuqa in ay naftooda helis galin, ayna Suuqa u ganacsi tagin,islamarkaana cidii amarkooda ka hortimaadda talaabo laga qaadi doono.
Mid kamid ah Ganacsatadda Suuqa Degmadda Guriceel oo la hadashay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegtay in amarka Shabaab kasoo baxay ay fuliyeen Ganacsatadda,islamarkaana aysan suuqa tagin,balse Maamulka Degmadda ay amar kale ay soo saareen.
Waxa ay sheegtay in Maamulka Degmada Guriceel ee Galgaduud uu ku amray Ganacsataddda in ay goobahooda Ganacsi ay furaan,islamrkaana cidii arintaas ka hor timaadda Hantideeda lala wareegi doono.
Sidoo kale Haweeneyda ayaa sheegtay in qaar kamid ah Ganacsatadda Xabsiga la dhigay kadib markii ay ka hor yimaadeen amarkii kasoo baxay Maamulka Degmadda Guriceel.
Al-shabaab ayaa sidaan oo kale amar ugu soo rogay Ganacsatada Suuq dhawaan laga hirgaliyay Magaaladda Beledwweyne,balse Ganacsatadda ayaa arintaas iska indha tirtay taasi oo keentay in Shabaab ay qarxiyaan suuqii.
Sidoo kale Al-shaabab ayaa Canshuur ka qaada Shirkaddo iyo Goobo Ganacsi oo ku yaala meelo aysan maamul ahaan ganacta ku heynin,balse amarkooda ka shaqeeyo.

