Dowladda Soomaaliya oo Sharuudo Ku Xirtay Qaadka Laga Soo Dhoofiyo Kenya

0

Wargeyska business Daily News ee kasoo baxa dalka kenya ayaa shaaca kaqaaday in dowladda Somalia ay shuruudo dhowr ah kuxirtay in laqaado xayiraadda laga soo rogay qaadka laga soo dhoofiyo dalka kenya.

Wargeyska business Daily News ee  kasoo baxa dalka kenya ayaa sheegay in dowladda federaalka Somalia ay dowladda kenya  kadalbatay in ay fuliso 5 arrimood kuwaasi oo kala ah.

1-in dowladda kenya ay joojiso faragelinta ay kuheyso arrimaha gudaha Somalia.

2-in dowladda kenya ay si iskumid ah ulamacaamisho dadka somaliyeed islamarkaana ay joojiso kalaqoqobka dadka somaliyeed.

3-in dowladda kenya ay raaligelin kabixiso xadgudubka dowladda kenya ay kusameysay hawada Somalia.

4-in dowladda kenya ay ogalaato in loo dhoofiyo dalkeeda ganacsiga kayimaada Somalia sida ganacsiga kalluunka,dhoofinta hilibka,caanaha,malabka iyo sidoo kale ganacsiyada kale ee laga soo dhoofiyo Somalia.

5-in dowladda kenya ay joojiso celinta diyaaradaha rakaabka kayimaada Somalia kuwaasi oo lagu baaro magaalada wajeer taasi oo dhib ay kuqabaan dadka somaliyeed.

Warbaahinta kenya ayaa qortay in dhawaan  wafdi kasocda midowga ganacsata kenya ay yimaadeen magaalada muqdisho kuwaasi oo lakulmay masuuliyiin katirsan dowladda Somalia islamarkaana kalahadlay sidii loo qaadi lahaa xayiraadaha lagu soo rogay qaadka kayimaada dalka kenya.

Gudoomiyaha midowga ganacsatada dalka kenya ninka lagu magacaabo Kimathi Munjuri ayaa yiri “saraakiisha ugu sarreysa dowladda Somalia waxa ay noo sheegeen in dowladda  kenya waxyaabaha jira aysan si wanaagsan jawaab ugabixin waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha  kenya in qaab diplomaasiyadeed uu kuxalliyo arrimaha taagan”.

Dhawaan ayay aheyd markii maareeyaha Hay’adda duulista rayidka uu shaaciyay in dowladda Somalia aysan marnaba aqbali doonin qaadka laga soo dhoofiyo kenya wallow uusan shaacin sababta rasmiga ah ee dowladda Somalia ay umamnuucday qaadka laga soo dhoofiyo kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here