Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Weerarkii Elite shaqada uga joojiyay taliyihii Saldhigga Degmada C/casiis,iyadoo loo xiray askartii ilaalada Baraha Kantrol.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in shaqadii laga joojiyay taliyihii saldhigga degmad C/casiis,islamarkaana xabsiga loo taxaabay askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel.
Waxaa soconaya baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa la faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda

