Shirka Dhuusa-mareeb oo Furmay, Dalab Loo Direy Madaxda Jubbaland iyo Puntland

0

Waxaa xalay si rasmi ah magaalada Dhuusamreeb ee caasimada mamaulka galmudug ugu furmay wajiga koowad ee shirka dhuusamareeb Seddex.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Dowlad Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey ugu qabsoomay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan.

Madaxweyne qoor qoor ayaa ugu baaqay madaxda shirka ka maqan inay kaso qeyb galaan shirka islamarkaasna waxa uu sheegay in hatan aysan aheyn xili waqti labeeldareeyo.

Waxa uu ka codsaday madaxweynaha maamulka putland Saciid cabdulahi dani iyo madaxweynaha mamaulka jubaland axmed maxamed islaam madoobe inay waqtiga dhowraan ayna fiiriyaan marxalada kala guurka ah ee lagu gudajiro.

Furitaanka shirka waji koowad ee shirka dhuusamareeb saddex waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here