Madaxweynaha Hirshabelle oo Ka Tacsiyeeyey Dilkii Wasiirka Beeraha Hirshabelle

0

Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  oo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda iyo shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo caawa kooxo Dhagar qabayaal ah ay ku Dileen  Magaalada Magaalada Jowhar Xili uu ka baxay Masaajid  uu ku dukaday Salaada Cishaha.

Madaxweynaha Ayaa cambaareeyay Dilka wasiirka, waxaana Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, qoyskii, iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga naxay Dilka Wasiirka, una naxay, waxaana  uu amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo  qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here