Waxaa dib u dhacay Shirkii u dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda kaasi oo lagu balansanaa 15-ka bishanaa August oo maanta ku beegan, in uu ka dhaco magaaladda Dhuusa-mareeb.
Dib u dhaca shirka ayaa soo ifbaxay, ka dib markii Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, aanu midkoodna gaarin magaalaaasi, marka laga soo taggo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo isagu marti-gelinaya shirkaasi.
Sida qorshaha ahaa shirkaan ayaa looga hadli lahaa qodobadii lagu heshiiyay shirkii kan ka horeeyay, ee 22-kii bishii Luulyo ku soo geba-gaboobay Magaalada Dhuusamareeb.

