Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Beledweyne oo Xalay La Dilay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay waxa ay magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ay ku Dileen sarkaal ka tirsanaa maamulka Magaaladaas.

Dilkaan ayaa ka dhacay Laanta Nuur Xawaad ee Xaafadda Xaawo Taako,ee magaaladda beledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Jeelle Gaarane Aadan,wuxuuna ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Laanta Nuur Xawaad ee Xaafadda Xaawo Taako.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa diley sarkaalka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here