Akhriso:-Shabaab oo Ka Dhex Dagaalamay Xabsiga Dhexe, iyo Sida ay Hubka Ku Haleen

0

Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray iska hor imaadkii ka socday Gudaha Xabsiga Dhexe ee magaaladda muqdisho kaasi oo u dhaxeeyay ciidamadda amaanka iyo rag ka Tirsan maxaabista.

Dagaal qaatay muddo saacad iyo bar kadib ciidamadda amaanka ayaa toogtay 4-kamid ah ragii dagaalmayay oo la sheegay in Shabaab ahaayeen,  Tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Ragga la dilay iyo kuwa la dhaawacay waxay ahaayeen Xukunsanayaan Alshabaab oo ku xirnaa Xabsiga, kuwaasoo Hubka loo dusiyay, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Maxaabiista dagaalamaysay kuma jirin kuwa Toogashadda ku xukuman, waxa dagaalamayay Maxaabiista Xabsiyadda dhaadheer ku xukunaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here