Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, iyo Maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee Magaaladda Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah Maxaabista ku xiran xabsiga dhexe uu qori ka dafay askari ka Tirsan ciidamadda Dowladda,wuxuuna toogtay laba askari.
Qaar kamid ah Maxaabista ayaa la wareegay keydka Hubka,waxaana gudaha xabsiga laga maqlayaa rasaas xoogan oo dhinacyadda isweedaarsanayaan.
Dhanka kale waxaa la maqlayaa qaraxyo loo maleynayo in ay yihiin Bambooyinka gacanta laga tuuro.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay isu dayayaan inay xaaladda ku soo celiyaan sideedii hore.
Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa ku xiran xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida horey ugu xukuntay xukuno isugu jira dil toogasho, xabsi daa’in iyo sanadooyin xabsi ah.

