Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in diyaaradd ay leeyihiin Ciidamadda Kenya ay ku burburtay gudaha garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee Gobolkaas.
Diyaaradaan ayaa la sheegay in Sahay ay u waday Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan Degmadaas,waxaana cilad ku timid ay keentay in ay dhacdo xili garoonka ay ku dageysay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo soo gaaray diyaaradda.

