Faah-faahin:-3-Ruux oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo Hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka Dhacay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir,waxana fuliyay rag bastooladdo ku hubeysnaa.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal 3-da askari ee la dilay mid kamid ah ayaa aheyd Haweeney,waxaana goobta laga qaaday meydkooda.

Dhanka kale ragii fuliyay dilka ayaa ka baxsaday goobta,waxaana Degmadda ka socda baaritaano Lagu baadigoobayo ku gacan dhiiglayaashii.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda dilalka ka dhaca Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here