Madaxweynihii hore ee Somaliya Mudane shariif sheikh Axmad oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shir weyne saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaladda muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.
shariif sheikh Axmad waxa uu sheegay in dowlada federaalka looga baahan yahay qabashada doorasho ku dhacda waqtigeeda,iyadoo loo eegayo hadba sida wax loo sameyn karo in wax lagu qabto,si meesha looga saaro walaaca laga qabo in dowlada madaxweyne farmaajo ay waqti dheeraad ah ku darsato .
Dhinaca kale Shariif sheikh Axmad ayaa sheegay in waqtigii doorashada la joogo laakin aan wali wax heshiis ah laga gaarin nuuca doorasho iyo hanaanka ay tahay in loo maro,waxaana uu carabka ku dhuftay in doorashada waqtigeeda lagu qaban waayo ama laga heshiin waayo in wax kasto ay dhici karaan.
Madaxweynihii hore ee somaliya ayaa tilmaamay in doorasho qof iyo cod ah oo la qabto inay u baahan tahay Amni,dhaqaalo iyo tirakoob balse dowladu ma heysato ayuu yiri waqti ku filan.

