Weerar Khasaare Geeystay oo Ka Dhacay Qeybo Kamid ah Afgaanistaan.

0

Ugu yaraan 21 qofood ayaa geeriyootay sidoo kale 43 qofood ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii dableey hubeysan ay weerar ku qaadeen xabsi ku yaalla dalka afgaanistaan waxaana goobta kadhacay dagaal dhexmaray ciidamada amaanka dowladda afgaanistaan iyo sidoo kale dabley hubeysan oo weerar kusoo qaaday xabsi kuyaalla qeybo kamid ah gobalka nangahaar ee dalka afgaanistaan waxaana masuuliyadda weerarka sheegtay dagaalyahannadda iskumagacaabay khilaafada islaamka ee kadagaallamada qeybo kamid ah waddamada ciraaq iyo afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay maamulka gobalka nangahaar ee dalka afgaanistaan ayaa warbaahinta usheegay in dadka dhintay ay kujireen dad maxaabiis ah, dad rayid ah iyo sidoo kale xubno katirsan ciidamada amaanka dowladda afgaanistaan waxaana uu intaas kudaray in ladilay saddex kamid ah dableeyda weerarka kusoo qaaday xabsi kuyaalla magaalada jalaalabaad ee xarunta gobalka nangahaar ee dalka afgaanistaan waxaana weli socda dadaallo loogu gurmanayo dadki dhibaatada ay soo gaartay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here