Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha degan Gobolka Mudug.
Waxgaradka iyo Odeyaashaan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan amniga iyo horumarka Gobolka .
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.

