Gudoomiye Mursal:-“Madaxweyne Farmaajo Hasoo Magacaabo Raisulwasaare Cusub”

0

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo goordhaweyd warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa eedeen u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Xukuumadii uu hogaaminayay Raisulwasaare Kheyre ay ku fashilantay hannaanka gaarista doorasho qof iyo cod  ah iyo maqaamka caasimada,afti u qaadida meel marinta dastuurka,hirgelinta axsaabta siyaasadeed.

Kulankii maanta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in 170-xildhibaanadda ay kalsoonidda kala noqdeen Xukuumadda Soomaaliya, diiday siddeed xildhibaan wax ka aamusay ma lahan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo in uu soo magacaabo Raisulwasaarihii badali lahaa Kheyre.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here