Nin Soomaali ah ayaa la sheegay in uu weerar dhimasho iyo dhaawac gaystay uu ku qaaday dad caddaan ah iyo Soomaali ku suga Dalka Norway.
Weerarkaas ayaa ka dhacay gudaha dalka Norway magaalo 90km u jirta magaalada Oslooo ah caasimadda dalka Norway
Waxaa la sheegay in Ninkan Somaliga ah uu weerar uu u adeegsaday Toorreey uu ku qaaday seddex haween ah oo labo soomaali ay yihiin, waxaa la sheegay in haweenaydii caddaanka ahyd ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.
Ninkaan ayaa la sheegay in dhimirka uu la’yahay uuna aha qof xanuunsan, Booliska ayaa sheegay in ay goor dhaw war kasoo saari doonaan.

