Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in Magaaladaas uu xalay ka dhacay qarax khasaare geystay.
Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taala xaafadda Siinaay ee Magaaladaas,wuxuuna ahaa midka gacanta laga tuuro oo maqaayadda lagu tuuray xili ay dad badan ay ku sugnaayeen.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho u sheegay in qaraxa uu ku dhintay 1-ruux,8-kalana ay ku dhawacmeen.
Dhanka kale Ciidamada ammaanka Magaaladda kismaayo oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ka sameeyay baaritaan la xiriira kuwii bambada ku tuuray maqaaxida, balse ma jirto cid ilaa haatan loo qabtay.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Kismaayo.

