Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Magaalada Dhuusamareeb,Madax Ku Wajahan

0

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta oo Khamiis ah ka Furmaya shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Madaxweynayaasha kale ku casuumay shirka Dhuusa-mareeb waxaana looga hadlayaa arrimaha siyaasadda ee dalka, oo ay ugu horeyso murunka hareeyay doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweyntooda.

Amaanka magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga magaaladda Sugaya Ciidamadda maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here