Deni oo Eedeen u Jeediyay Madaxwene Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa eedeen culus u jeediyay Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh uu meesha ka saaray Kaalintii Aqalka Sare ku lahaa Arrimaha ku saabsan Doorashooyinka, islamarkaana uu si cad u inkiray jiritaanka Aqalka Sare ee Baarlamanka.

Waxa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo ay ka midaysan yihiin, in la baabi’iyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Aqalka Sare oo kamid ah Labada Gole ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdillaahi aan lagu casumin Munaasabadihii Xornimada Dalka ee lagu qabtay Muqdisho, taasina ay abuurayso Kalsooni-darro iyo kala fogaansho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here