Wararkii Ugu Dambeeyay Khasarahaa Qaraxa Ka Dhacay Dekaddda Muqdisho+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay oo ahaa wadihii gaariga qaraxa siday,halka 5-askari ay dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay magaaladda muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu beegsaday Laanta ilaalada Canshuuraha ee Booliska Soomaaliyeed oo ku taala kasoo horjeedka Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Sawirro lasoo bandhigay ayaa muujinaya in qaraxa uu burbur xoogan u geystay Laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taala Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadda amaanka ay rasaas ku fureen gaariga qaraxa siday,sidaasna uu ku qarxay.

Dhanka kale Laanta Dambi baarista ee C.I.D iyo saraakiil kale ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda baaritaano.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here