Wasaaradda Amniga Galmudug oo La Wareegtay gaadiid Dagaal iyo Ciidankii Saarnaa+Sawirro

0

Wafdiga madaxweynaha Maamulka Galmudug uu hogaaminayay oo ku sugan magaalada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa beeshii martiqaadka samaysay ku wareejisay gaadiid dagaal iyo ciidankii saarnaa.

Odoyaasha dhaqanka iyo wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha oo goobta hub wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada ciidamada Daraawiishta Galmudug ayna yihiin beeshii koowaad ee waqooyiga Galmudug ee hubkeeda wareejinaysa ayagoo ballanqaaday in ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada sugidda amniga iyo nabadaynta deegaanadaan.

Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka amniga oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyey tallaabada ku dayashada mudan ee beesha ay ku wareejiyeen gaadiidka dagaalka iyo ciidamadii saarnaa, ayadoo beelaha kale ee deegaanadaana ugu baaqay soo xaraynta gaadiidka iyo ciidamada maleeshiyaadka ah.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in maalmaha soo socda la astayn doono xerooyinkii ciidamada Daraawiishta deegaanadaan lagu tababari lahaa, ayadoo arrintani ay qeyb ka qaadanayso xasilinta iyo nabadaynta deegaanadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here