Faah-faahin:-Qaabka Loo Fuliyay Qaraxa Gudaha Dekadda Magaaladda Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacdday Gudaha Dekadda Magaaladda Muqdisho,gaar ahaan Laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taala gudaha Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa,islamarkaana goobta lagu beegsaday.

Sidoo kale saraakiisha waxa ay sheegeen in qaraxa kadib ay rasaas fureen ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Dekadda.

Ilaa haatan lama oga khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay Laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taala gudaha Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Laanta la qarxiyay ayaa waxa ay la socotaa dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dekedda Magaaadda muqdisho, waxayna sidoo kale  dabagal ku sameysaa dakhliga Dowladda ee Dekadda kasoo gala.

Mudooyinkii dambe waxaa xaruntaan lagu soo bandhigayay Qaad si sharcidaro ah looga soo dajiyay Dekadda magaaladda Muqdisho,xili duulimaayadda ay xiran yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here