Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo Ciidamadda Danab Isku Soo Dhiibay

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole magaciisa afgarashada loo yaqaano {Caato} oo al-shabaab u qaabilsan maaliyaada Gobolka shabeelaha hoose ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab.

Taliyaha guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in Caato ay soo dhaweeyay islamarkaasna ay u gudbindoonaan Hay”adaha ku shaqadaleh.

“Kadib markii uu u adkeysanwaayay dhibtaada nololeedka ee ay kujiraan Shabaab iyo tan ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed,ayuu horjoogahaasi go’ansaday in uu ku dhaqaaqo tallaabadaasi”, ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here