Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo galabta ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Warshadii Nac-naca oo ku taala Suuqa Xoolaha Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa la kacay mid kamid ah gaadiidka dagaalka Ciidamadda AMISOM,Waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas aad u farabadan.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadda AMISOM ay askar kaga dhinteen qaraxa,islamarkaana hakad uu galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha rasmiga ee gaaray ciidamadda amisom ee qaraxa lala beegsaday.
Inta badan ciidamadda amisom ayaa la kulma qaraxyo marka ay marayaan wadooyinka xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaaladda muqdisho.

