Dowlada mareykanka ayaa sheegtay maanta oo axad ah in ay dalka Kenya ka taageeri doonto la dagaalanka Xarakada alshabaab.
Safiirka dalka mareykanka u qaabilsan Kenya ruberti godhik oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa shaaciyay in mareykanka ay sii wadi doonaan ka taageerista Kenya la dagaalanka alshabaab.
Mr roberti waxaa kaloo uu sheegay in ay tababaro siin doonaan Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howl galka Midowga africa ee amisom,
Safiirka waxaa kaloo uu xusay in mareykanka uu aad uga xun yahay Ciidankii Kenya uga dhintay weerarkii ceelcadde Gobolka Gedo ee alshabaab ay ku qaadeen isbuuc ka hor.
Waxaan si adag u cambaareyneenaa weerarkaasi argagaxiso ayuu yiri safiirka mareykanka ee Kenya u fadhiya Mr;-roberti godhik.
‘Anigoo ku hadlaayo magaca mareykanka, iyo dadka mareykanka waxaan maanta idiin cadeenayaa in aan garab taaganahay dalka Kenya oo aan ka gacan siin doono dagaalka ay Kenya iyo shacabkooda kula jiraan argagaxisada si wadajir ah ayuu yiri safiirka mareykanka ee jooga kenya.
Mareykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka taageera dowlada Kenya.

