Xasan Sheekh oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa.
Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay mataalada Gobolka Banaadir Aqalka Sare, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday,waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacbaka ee ansixiyay.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay ku sheegtay in loo baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto,waxaana uu sheegay in haalkaasi uu yahay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale, “Hadalkii shalay Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu kahor sheegay Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa laga dheehan karay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale” ayuu yiri Xasan Sheekh.

