Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nin Walaalkiisa ka yaraa ku dilay Magaaladdà Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Siisii oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolka Baanadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, labadda wiil ayaa isku qabsaday Gurigooda hortooda.
Xasan Nuur Ciroobe ayaa dilay Walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe.
Ilaa 10-mar ayaa la sheegay inuu jirkiisa galiyay tooreyda kadibna halkaasi uu isaga cararay sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana goobta ku geeriyooday marxuumka.
Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baadi-goobaya ninka Fakaan geystay.

