Dowladd Goboleedka Jubaland, oo tixraacaysa Warqaddii Shalay ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay been abuur yihiin Xeerarka Horyaalla Golaha Shacabka Baarlamanka, sidaasi darteedna ay tahay in la joojiyo.
“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ay soo jeedinaysa in aan la meel marin sharciyo iyo xeerar aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka isla markana heshiis ayna ka gaarin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah”, ayaa lagu yiri warkaa Jubbaland.



