Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ku dilay Gabar dhalinyaro aheyd.
Falkaan ayaa ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Warshadii Hore ee Caanaha.
Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda ayaa rasaas ku furey mooto bajaaj ay saarneyd Gabar dhalinyaro aheyd oo xiligaas ka timid goobo Dumarka lagu qurxiyo oo iyada laheyd taasi oo lagu magacaabo Warda Beuty Salon.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in askariga uu si bareer ah xabadaha ugu furey mootadda taasina ay keentay dhimashadda Gabadhha Dhalihyarada aheyd.
Gabadha dhimatay ayaa magaceeda lagu sheegay Xamdi C/laahi.

