Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland, Fadhigiisa 4-aad oo qabsoomay Maanta oo Khamiis ah, ayaa lagu ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad oo ka kooban 15 Qodob.
Qodobada Ajandaha ugu muhiimsan waxa kamid ah La-xisaabtanka Xukuumadda, Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Dib u-eegista Heshiiska DP World ee Dhismaha iyo Ballaarinta Dekedda Boosaaso.
Kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka kowaad Avv. Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku xigeenka labaad Avv. Ismaaciil Maxamed Warsame.
Ajandaha oo cod gacan-taag ah la geliyay, waxa u codeeyay 35 xubnood, waxaana ka aamusay 2 mudane oo keliya, mana jirin cid diidday sidaas ayuuna Ajanduhu ku ansaxay.



