Faah-faahin:-Qarax ay Ku Dhinteen Dad Shacab ah oo Ka Dhacay Muqdisho+Sawirro

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Barqanadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo laga maqlay xaafaddo kamid ah Magaaladda muqdisho ayaa ka dhacday Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Dalcadda Madaxtooyadii Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Qaraxa oo dhulka ku aasna ayaa dhacay xili uu markaas marayay gaari cabdile ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo inta badan isticmaala wadadaas.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu dhacay xili gaariga cabdilaha uu halkaas maray,waxaa qaraxa uu khasaare dhimasho iyo dhaawac u geystay dad shacab ahaa oo saarnaa Mooto bajaaj.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 3-ruux oo kala ah Canug yar ay dhashay  Sidoo kale wadihii Mooto Bajaajta ay saarnaayeen.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Hodan ayaa laga soo xigtay in  meydadka saddexda ruux in loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaaladda muqdisho, halka dhaawacana la geeyay isla Isbitaalkaas si loogu dabiibo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here