Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday agagaarka Dugsi sare Banaadir oo ku dhaw Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Miino dhulka ku aasneyd, islamarkaana ay qaraxday.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

