Taabid Cabdi Maxamed Goddoomiyihii hore ee Gobalkani Banaadir ayaa si kulul u canbaareeyay Dilkii shalay Askari ka tirsan Ciidanka Dwoladda uu qof shacab ah ugu geystay Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu saaray Taabid Cabdi.
Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin.
Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan.Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan.

