Madasha xisbiyada qaran ayaa lwaxaa ay ka digeen dagaallo sokeeye oo ka dhacaya deegaannada Soomaaliyeed.
“Madashu waxay u aragtaa inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoqdey. Madashu waxay u taagan tahay Dhiirigalinta nabadda, xasiloonida iyo dariswanaagga, Ilaalinta sharafka, dhiigga, maalka shaqsiga iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waxayna bulshada ku dhiirigalinaysaa ka fogaanshaha hadallada xanafta leh ee kicin kara ama dhaawici kara dareenka dadka iyo ka baaqsashada hurinta colaadaha” ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Madasha ka soo baxay.

