Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool laga soo sheegayaa in saaka lagu arkayo ciidan farabadan oo magaalada lagu soo dadiyay sida ay sheegayaan dadka degaanka.
Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay ciidanka soo daabuleen, waxaana keentay in ciidan magaalada lagu soo daadiyo cabsi xooggan oo laga qabo in bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo shirka Jabuuti in uu ka dhaco magaalada iyo tuulooyinka ku dhaw, maamulka degmada ayaa qaday ayaa la leeyahay tallaabooyin adag oo ay kaga hortagayaan in magaalada uu ka dhaco bannaanbax.
Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa sheegay inay ka hortegayaan Banaanbax kasta la qorsheynayo inuu ka dhaco Magaalada, loogana soo horjeedo Shirka Jabuuti, iyadoo waddooyinka la geeyay Ciidamo isugu Boolis iyo Milateri ah.
Degaanno ka mid ah maaulka Soomaliland ayaa waxa tan iyo shalay ka dhacayay bannanbaxyo looga soo horjeedo shirka jabuuti, waxaana maaulka soomaliland ay isku dayayaan in axakameeyaan bannaanbaxyo laga yaabo in ay ka dhacaan degaanadooda.

