AL-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay nin horay qof kale ugu dilay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare kuyaal degmada Buq-aqabale ee gobolka Hiiraan.
Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa xukun qisaas ah ku ridday nin lagu magacaabi jiray Daa’uud Aadan Muumin kaasi oo horay u dilay Daa’uud Qeyleey.
Ehellada ninka ladilay ayaa maxkamadda ku dacwaystay gacan ku dhiiglaha waxaana loo bandhigay in ay diyo qaataan,in ay cafiyaan ama ay qisaastaan waxayna doorteen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha sida ula kaca ah u dilay wiilkooda.
Al-Shabaab ayaa Xukuno noocaan oo kala ah ka fuliya qaar kamid ah Gobolka Dalka Soomaaliya.

