Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaalyahanadda Al-Shabaab ay xalay Hoobiyayaal ku weerareen xerada Militariga Jabuuti ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ilaa 5-hoobiyaye,ayay dagaalyahanadda Al-shabaab ku weerareen Saldhiga Ciidamadda Jabuuti.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay Hoobiyayaasha lagu weeraray Saldhiga Ciidamadda Jabuuti ee Magaaladda Beledweyne.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamadda Jabuuti iyo Al-shabab ayaa ilaa haatan wax war ah kasoo saarin khasaaraha ka dhashay weerarkaan.

