Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland.
Furitaanka Kalfadhiga waxaa sidoo kale Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Wada-hadal kasta oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Somaliland oo aan door laga siin Puntland aysan aqoonsan doonin Natiijada ka soo baxda maadaama ay Xuduud la wadaagto Somaliland islamarkaana ay Degaanno ka haysato.
Wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Shalay ka furmay Waddanka Jabuuti ayaan weli si cad loo Shaacin Ajandaha looga hadlayo marka laga reebo War-murtiyeed hordhac ah oo ka soo baxay Shirka kaas oo ay ugu muhiimsantahay in uu sii socdo Wad-hadalka labada dhinac.

