Waxaa saaka dadka shacabka ah ee ku nool qaybo ka mid ah degmada yaashid ayaa kusoo baraaray carro farabadan iyo dhagxaan lagu gooyay inta u dhexeysa Ex-Control Balcad iyo Suuqa Xoolaha, iyadoo isku socodka uu hakad galay.
Qaar ka mid ah darawaliinta wadayaasha ka ah Gawaarida dadweynaha ee BL-ka loo yaqaanno ayaa sheegay in arrintaan
Jidadka yar-yar ee xaafadaha mara ayaa lagu arkayaa gawaarida dadweynaha oo maraya maaddaama waddadii weynayd ay xiran tahay, ayna jiraan ciidamo lasoo dhoobay wadada si ay uga celiyaan gawaarida, waxaana lagu gooyay waddada sida la sheegay dhagxaan iyo carro aad u culus.
Shacabka ayaa isticmaalaya lugta, iyadoo la rkayo dad farabadan oo lugaynaya waddada gaar ahaan inta u dhaxaysa suuqa xoolaha iyo Ex-Control BALCAD.
Sababaha loo xiray waddadaan ayaa la sheegay in dhawaan la billaabi doono dhismo iyo dayactir ballaaran oo waddada lagu sameyn doono, waddadaan oo ah mid aad u bue-bursan ayaa waxaa la sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan gaadiidka isticmaala, maddaama uu bur-bur xooggani uu ka miuuqdo waddada.
Lama oga goorta sida rasmiga ah ay u billaaban doonto shaqada waddada, balse waxaa hadda ay tahay mid aan gabi ahaanba aan la isticmaalayn, waxaana goob joogayaal ku sugan xaafadaha ka ag dhaw waddadaas ay inoo sheegeen aysan jirin wax shaqo ah oo ka socda waddada marka laga reebo in carro farabadan lagu gooyay.


