Madaxweynaha Maamulka Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka qayb-galaya Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa goordhaweyd ka dhoofay garoonka magaladda Hargeysa.
Wafdiga oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi waxa qeyb ka ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Arimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka Maaliyadda Dr . Sacad Cali Shire, Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada-hadallada labada dhinac Dr Adna Aadan Ismaacil.
Wasiirka Arimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay in Jabuuti wada-hadal kula yeelan doonaan Dowladdda Soomaliya.
Waxa uu sheegay in Kulanka labada dhinac ay qaban-qaabiyeen Dalalka Maraykanka iyo Jabuuti, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin Ajandaha Kulankaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajandaha Kulanka laga wada-hadli doono, kadib markii labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland uu Kulankoodu bilowdo, balse aysan inta ka horraysa ka warbixin Karin.

