Al-shabaab ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen askar ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Jubbaland.
Degmada Jilib ee Gobolka jubadda Dhexe oo Shabaab ku sugan yihiin waxaa shalay lagu soo bandhigay laba askari oo muddo sanada ah u shaqeynayay maamulka Jubbaland.
Ciidamadaan ayaa lasoo goostay hubkii ay wateen waana loo lacageeyay sida ay warbaahinta u sheegeen.
Xasan Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa guutada 43aad ee ciidamada dowladda qeybta maamulka ‘Jubbaland’ iyo Deeq Xasan Cabdi oo kamid ahaa saraakiisha Nabad sugidda maamulka Kismaayo ayaa lagusoo bandhigay maxkamadda degmada Jilib waxayna sheegeen in ay ka towbadkeeneen falalkii ay ku jireen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka jubbaland oo loogu hadlaayo sheegadda Shabaab.

