Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Kulan La Qaatay James Swan

0

Maxamed Abuukar Islow Ducaale  Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

labada Masuul ayaa ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya dorashooyinka la filayo in dhawan ay dalka ka dhacaan, waxaana si gaar ah kulanka xoogga loogu saaray sidii Qaramada Midoobay ay gacan kaga gaysan lahayd sugidda ammaanka doorashooyinka.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka” ayuu yiqi Wasiir Islow.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here