Dadaalo Lagu Xalinayo Khilaafka Madaxda Hir-shabeelle oo Jowhar Ka Socda+Dhageyso

0

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Qaasim oo ka mid ah xildhibaanada barlamaanka maamulka hirshabeele ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Khilaaafka madaxweynaha maamulka Hirshabeele iyo Gudoomiyaha barlamaanka maamulkaasi isagoo shaaca ka qaaday in ay bilowdeen wada hadalo lagu xalinayo Khilaafkaasi.

Waxa kaloo oo uu xildhibaan ismaaciil uu soo hadal qaaday doorashadda la rajeynayo in ay ka dhacaan deeganada mamulka Hirshabeele.

Xildhibaan ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in khilaafkaasi uu ragaadshay howlaha maamulkaasi oo ay kamid yihiin doorashada la filayo in ay ka dhacado deegaanada maamulkaasi Hirshabele islamarkaana ay hada magaalada mudisho ka bilowdeen wada hadalo laisku soo dhaweynayo gudoomiyaha barlamaanka cismaan bare maxamed  iyo madaxweynaha maamulka hirshabeele maxamed cabdi waare

Xidhibaan ismaciil cabdi Qaasim ayaa dhankale tilmaamay in waxdoorasho ah aysan ka dhicikarin deegaanada maamulka hirshabeele tan iyo inta laga xalinayo Khilaaf udhexeya madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka waxaana uu Sheegay inay wadaan dadaalo lagu soo afjaro khilaafkaasi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here