Ciidamadda Amaanka Puntland iyo Galmudug oo Howlgal Ka Fuliyay Gaalkacyo

0

Ciidamadda amaanka maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyaan Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay howlgalo qorsheysnaa waxa ay ka fuliyeen Xaafadaha Labadda dhinac ee magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Hawlgalkaas, waxaa si wadajir ah u fuliyay Booliiska labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, oo kaashanaya Ciidamada PSF, PISA iyo kumaandooska DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya qaybtooda ka hawlgala koonfurta Gaalkacyo.

Saraakiisha Labadda dhinac ayaa sheegay in hawlgalkaasi ahaa mid si wadajir ah loogu xaqiijinayo Amniga Gaalkacyo, islamarkaana lagula dagaallamayo Al-shabaab,qaraxyadda iyo dilalka ka fuliya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay lagu dilay Madaxii Qaraxyadda Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

Maamuladda Puntland iyo Galmudug ayaa haatan u muuqda kuwa kawada shaqeynaya Dhinacyadda amniga iyo Horumarka Magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here