Bannaanbixii Muqdisho oo Sii Xoogaystay

0

waxaa sii xoogaystay bannaanbax saaka ka billawday magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa lagu arkayaa dad shacab ah oo aad u fara badan kuwaas oo taageero u muujinaya hadal shalay kasoo yeeray madaxweyne farmaajo oo ahaa in magalada muqdisho matalaad ku yeelato aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

dadka shacabka ah ayaaa ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin hadalka farmaajo, waxaana qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay bannaanbaxa sii wadi doonaan.

sidoo kale waddooyinka qaar ayaa lagu arkayaaa ciidamo boolis iyo nabad sugid intaba ka kooban oo ammaanka sugaya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here