Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Deegaanka dagaalka uu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa abal wuxuuna 18-KM u Jiraa Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool.
Ciidamo katirsan Shabaab-ka Gobolada baay iyo Bakool ayaa weerar dhabagal ah udhigay Ciidamo katirsan kuwa Ethopia iyo kuwa Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalka khasaare loogu geystay ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo kuwa Ethopia islamarkaana lagala wareegay deegaanka.
Shabaab waxa ay sheegeen in ciidamadda koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Ethopia laga dilay 15-askari,tiro kalana laga dhaawacay.
Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray,

