War Deg Deg:-Shil ay Ku Dhinteen 10-ruux oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay Magaaladda muqdisho.

Shilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Degmada Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Gaari nooca xamuulka ah oo fariinka goostay ayaa la sheegay dad badan ku laayey nawaaxiga isgoyska Holwadaag.

Dad joogayaal ah ayaa inoo sheegay in Gaariga xamuulka ah oo ku socday xawaare sare, taasoo keentay inuu darawalkii waday uu xakameyn waayo markii uu fariinka goostay, isagoo ka dibna cagta mariyey gaadiidkii ku sugnaa isgoyska Holwadaag oo xiligaas mashquul iyo ciriiri badan uu ka jiray.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 10-ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo u badnaa Mooto Bajaajley goobta ku sugneyd.

Goobta uu falkaan ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here